U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Wasiir Xamse Saciid Iyo Wasiirada Ciyaaraha Maamul Goboleedyada?

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse ayaa kulan muuqaal foogaan arag ah la qaatay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Maamul Goboleedyada Dalka,wuxuuna kulankan qeyb ka yahay horomarinta uu Wasiir Xamse Saciid ugu jiro horomarinta isboortiga.

“Wuxuu ahaa kulankeenii kowaad waan wada shakaysanay, waxaan ka wada hadlay in aan xoojino wada shaqeynteena iyo horomarinta Isboortiga Soomaaliya” ayuu Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Xamse Saciid Xamse u sheegay Goobjoog Sports.

Wasiirada Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Maamul Goboleedyada ayaa intii uu socday shirkan waxa ay hambalyo iyo bogaadin la wadaageen Wasiir Xamse Saciid,iyagoo sheegay in magacaabistiisa ay aheyd taariikh weyn oo lagu sameeyay isboortiga Dalka.

“Wuxuu ahaa kulan qiima badan dhinacyadii ka qeyb galayna ay is xog wareesteen,runtii waan bogaadinaynaa hufnaanta iyo daacadnimada Wasiir Xamse Saciid Xamse,waxaana ku balanay in aan xoojino wada shaqeynta iyo guulaha Wasaaradaha Ciyaaraha dhallinyarada Soomalaiya” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Wasiirka Isboortiga Maamul Goboleedka Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay qabsoomida tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,iyadoo Wasiir Xamse uu soo jeediyay in la horomariyo waxna lago daro tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Waxaan xoojinaynaa in aan is badal ku samayno horomarinta tartanka kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada 2020,waxaana kooxaha ka qeyb galaya u rajaynaynaa guul iyo horomar” ayuu Wasiir Xamse Saciid Xamse u sheegay Goobjoog Sports.

Si kastaba bahda isboortiga ayaa soo dhaweeyay kulankan,iyagoo sheegay in Wasiir Xamse mudadii uu joogay Wasaarada Ciyaaraha Somaaliya uu la yimid is badal weyn oo dhinaca horomarinta iyo isku keenista bahda isboortiga meel walbo ay kala joogaan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle