U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Wasiirka Ganacsiga iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir?

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya  Khaliif Cabdi Cumar  ayaa maanta kulan waxaa uu  la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa siddii wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu xog-oggaal ugu noqon lahaa sidoo kale na ugu kuur-geli lahaa xaaladaha iyo duruufaha ay qabaan ganacsatada isla-mar-ahaantaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ay ka qaataan shaqo abuurka iyo horumarka w adanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ganacsatada uga mahad-celinaayo kaalintaas muuqata ay kaga jiraan horumarka Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale uu xusay loo baahan yahay in ganacsatada iyo dawladdu ba ay mar walba iska kaashadaan horumarka dalka sidoo kale na ay ka Wasaarad ahaan dadaal ugu jiraan siddii loo horumarin lahaa ganacsatada iyada oo wax laga qabanaayo caqabadaha jira iyo cabashooyinka ay halkaas ku soo gudbiyeen  Ganastada.

Goobjoog News