U bood dhigaalka

Maxay Kenya u Joojisay Duulimaadyadii Tooska Ahaa Ee Muqdisho Iyo Nairobi?

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kaa oo loo wareejiyey dhanka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Kabtan Gilbert Kibe, agaasimaha guud ee hay’adda duulimaadka rayidka Kenya ayaa sheegay in sababo amni darteed ay duulimaadayada Wajeer ugu wareejiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kibe oo la hadlay wargeyska lagu magacaabo The Nation ayaa wuxuu sheegay in duulimaadyadaasi ay hakiyeen illaa 9-ka bisha August, kadibna ay dib u eegis ku sameyn doonaan si loo gaaro go’aan ah in la bilaabiyo iyo in sidan ay ku wadaan.

Kenya ayaa u muuqata mid ka baxday heshiisyadii horey ay ula gaartay DFS, iyadoo DFS arrintasi ku tilmaantay mid siyaasadeed.

Goobjoog News