Maxay Kenya Xiriirka Ugu Jartay DFS?

Dowladda Kenya ayaa xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Waxa ay dowladda Kenya u yeertay safiirkeedii u joogay Muqdisho, iyada oo sidoo kale iska soo erisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyey.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintan ku sheegtay cabasho ku aaddan shidaalka Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xaraasheyso xirmooyin shidaal ah, kuna xad-gudubtay kheyraadka dalkooda, taasi oo uu kala jeedo muranka dhanka badda ah ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya oo isku dayeeysa iney boobto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayaa hadana waxa ay weli kusii adkeysaneysaa in meelaha la baarayo dhulkeeda tahay.

Dowladda Federaalka Maxay Ka Tiri Arrintan?

Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama hayo, waxaana inoo suurtagelin illaa iyo hadda inaan helno xubno mid ah ah dowladda si aan wax uga weydiinno.

Waxaa la filayaa in dowladda ay arrintan ka hadasho xilliyada ina soo aaddan.

Hadalhaynta bulshada  

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya arrintan, waxayna qaarkood is weydiiyeen waxa xilligan ay Kenya u hayso Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa soo jeediyey in dowladda qudheeda ay ku dhowaaqdo iney xiriirka u jartay Kenya, islamarkaana dalka ay ciidankeeda kala baxdo.

Inkastoo xiriirka siyaasadeed uu yahay waxa go’ay hadana Labadan dowladood waxaa isaga xiran dano badan, Kenya qudheeda Soomaaliya waxa ay ku qabtaa dan aad u weyn, waxaana kaga xiran ganacsi badan.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Kenyans aren’t that stupid. Here they are trying to blackmail unpatriotic, corrupt and weak Somali leaders.

    Instead of having a Kenya that is hostile, Farmaajo will rather withdraw the Somali maritime case against Kenya, which is now pending before the International Court of Justice at the Hague.

    Kenya holds too many Farmaajo criminal fingerprints and knows Farmaajo can’t risk turning Kenya into a hostile anti-Farmaajo force.

    Rather than lose Kenya’s goodwill, Farmajo will accept and sign everything that Kenya desires. Kenya is probably already invited to present a wish list for Farmaajo’s signature.

    Farmaajo just wishes Kenyan help in preserving his seat. It is idle and hopeless to expect anything else from autistic Farmaajo.

    This is a unique situation that calls for patriotism and principle on the part of Prime Minister Hassan Kheyre. It is his time. It is Samaale time. This is where genuine Somalis show their mettle.

    Farmaajo sinji iyo siif buu u leeyahay inuu iibiyo dhulka iyo badda Soomaaliyeed. Adeerkii Cabdullaahi Yuusuf iyo weliba adeerkii Cumar Xaaji Masalle ayaa dalkan horey Axmaaro uga iibiyay, kuna soo hoggaamiyay dalkan.

    Farmaajana saanqaadkoodii kal filo.

    Allow ka dhig inaan qaldanahay. Allow Farmaajo ka dhig wadani aan dalkiisa iibin, sidii adeerradii lagu yiqiinnay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW