U bood dhigaalka

Maxay Qatar ka Damacsantahay Doorashada Soomaaliya?

Sheeko:Amniga

Dowladda Qatar ayaa ergay gaar ah usoo dirtay Soomaaliya, ergeyga oo la kulmi-doono saamileyda siyaasadda ayaa lagu sheegay tillaabo ay Doxa ku dooneyso iney saameyn ku yeelato doorashada 2021-ka.

Dalka ay dadkiisu yihiin rubuc milyan, kuna yaalla Khaliijka ayaa saameyn weyn kulaa doorashada Soomaaliya ka dhacady 2012-kii iyo 2017-kii iyada oo lagu eedeeyo in lacag ku bixisay taageerada qaar ka mid ah musharaxiinta, dooneysana markii 3-aad iney saaxada timaado sanadkan.

Qoyska Aala-thaani oo ku caan-baxay keligii talisnimo, xirxirnaashiyo iyo iney is afgabiyaan ayaa muddo dhaqaale ahaan taageerayey Farmaajo taasi oo ka fogeysay shacabka Soomaaliyeed, shaki weynna keeni karto damacoodan cusub.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argigixisada iyo dhexdhexaadinta ayaa sabtidii soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Dr. Mudhlaq Bin Maajid Al-Qaxdhaani oo wakiil ka ah amiirka Qatar Tamiim ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee dalka gaar ahaan siyaasiyiinta isaga oo qeexi doona halka ay Qatar ka taagan tahay musharaxiinta.

Dr. Mudhlaq inta aanu Muqdisho iman, waxaa uu horay usoo maray Hargeisa isaga oo kulamo la yeeshay madaxda maamulkaasi.

Qatar, marka laga soo tago iney muddo dheer Farmaajo la aheyd isbaheysi siyaasadeed, siina jirtay taageero dhan walba ah, iyada oo furahana uu ahaa Fahad Yaasiin agaasimaha NISA ayaa haatan la isweydiinayaa sababta ay ergay usoo dirtay xilli midowga Afrika uu dhexdhexaadin wado, waxaana laga shaki qabaa iney qas ka dhex bilowdo saamileyda siyaasadda iskuna deydo iney jiheyso doorashada 2021-ka.

Goobjoog News