U bood dhigaalka

Maxay Tahay in Madaxweyne Qoorqoor Kala Hadlo Aqalka Sare, Baarlamaanka Federaalka ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Gamudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa maanta hotagaya golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah isaga oo hordhigi doono xaaladda dalka, shirarka socda, shaqada xukuumadiisa, federaaleynta, amniga, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Madaxweyne  Axmed Qoorqoor oo ah madaxweynihii 3-aad ee hortaga golahan matala maamul goboleedyada ayaa laga filayaa inuu hoos ugu dago arrimaha shirka ka socda Villa Somalia ee doorashada 2020/2021, halka la kala taagan yahay iyo dhameystirka Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Qoorooq ayaa la filayaa in Aqalka sare u sharaxi-doono waxqabadkiisa xukuumadiisa 8-ddii bil ay jirtay sida safarkii dheeraa ee dib u heshiisiinta iyo arrimaha lagu guuleystay.

Waxaa kale oo dowladdiisa ay ka shaaqeysay, oo laga filayaa in sharaxaad ka bixiyo dadaallada uu ku bixiyey isu soo dhowaanshiyaha dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo shirarkii kala duwanaa ee lagu galay Dhuusamareeb ee  I, II, & III.

Madaxweynaha waxaa uu xoogga saari-doonaa arrimaha amniga, caqabadaha heysta Galmudug iyo sida ay bulshada deegaanka ugu go’antahay in wax qabsadaan.

Arrimaha kale ee lagu wado inuu ka hadlo waxaa ka mid dekadda Hoybo iyo sida ay wax badan ugu kordhin karto horumarka dhaqaale iyo kobac bulsho.

Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorooq waxaa laga yaabaa inuu ka hadlo arrimaha federaalka ah, kaalinta aqalka sare ee xoojinta federaalkeynta.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor waxaa lagu wadaa inuu soo hadal qaado in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News