U bood dhigaalka

Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Xasan Shiikh u Doorbiday Ciidanka Dalalka Safka Hore?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay sababata dowladdu ku dooratay in dagaalka  Al-shabaab ay kala kaashadaan ciidanka dowladaha safka hore, isaga oo carabka ku dhuftay cid kasta oo wax kala qabaysa in ay kala kaashanayaan  si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka.

Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday ciidanka safka hore ayaa ku jawaabay in ay kuwa dhow iyo kuwa fog ay kaashanayaan, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa xilli dowladda dhowaan ku dhawaaqday wajiga 2-aad ee howlgallada dalka.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay ciidanka AMISOM iyo howlgallada ay wadaan.

“Dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”ayuu kaga jawaabay su’aashii la weydiiyay madaxweynaha Jamhuurriyadda federalka.

Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xuilli dhowaan Muqdisho shir ka dhacay lagu go’aamiyay in dowladaha safka hore ay qeyb ka noqdaan dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab, kadib markii madaxda dowladaha safka hore ay ku kulmeen Muqdisho, iyaga oo ka wada hadlay howlgallada ka socda dalka.

Goobjoog News