U bood dhigaalka

Maxay Wadaagaan Weerarkii Leego ee AMISOM Lagu Qaaday iyo Kii Dayniilee 2011-kii?

Sheeko:Dalka

Shalay oo ahayd maalin jimce ah (26/06/2015) waxaa deegaanka Leego ee gobolka Shabeelada Hoose ka dhacay weerar culus oo dagaalyahada Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ee Burundi ka socda ay halkaasi ku lahaayeen.
Inkasta oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan tirakoobka dhimashada iyo qasaaraha gaaray ciidamada Burundi, waxaa haddane la’isku wada waafaqsanyahay in kani uu ahaa weerarkii ugu cuslaa, uguna qasaaraha badnaa ee lagu qaaday AMISOM.
Alshabaab waxa ay sheegtey in ay dileen illaa 70 ka mid ah ciidamada AMISOM, halka AMISOM iyo illo xog ogaal ah oo kale ay sheegayaan in tirada ay dhantahay illaa 50 askari.
Dhacdadani waxa ay soo celineysaa xusuustii sanadkii 2011-kii ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaasi oo dagaal ay wada galeen ciidamada Burundi ka socda iyo Alshabaab lagu diley illaa 70 askari oo Burundi ah.
Dagaalkani waxa uu dhacay 21-dii bishii Oktoobar 2011-kii, waxayna ahayna mar Alshabaab laga saaray inta badan magaalada Muqdisho oo ay horey inteeda badan oga talinayeen.
Labada dhacdo waxaa u dhaxeysa illaa 4 sano oo buuxda, waxayna tani muujineysaa in wali Alshabaab ay awood u leedahay in qasaare laxaad leh ay gaarsiiso AMISOM iyo cid kasta oo kale, waxaana meesha ka baxaya sheegashooyinka dowladda iyo AMISOM ee ah in Alshabaab la wiiqey.
Hawlgaladii lagula dagaalamayay Alshabaab waxa ay joogsadeen sanad ka hor, dadka u dhuun duleela arrimaha ciidamada waxa ay sheegayaan in taasi ay fursad siisey Alshabaab ay kusoo abaabulaan weerarada noocan oo kale ah.
Waxaa intaasi sii dheer in ciidamadda xoogga dalka oo lafdhabar u ahaa sugista amniga ayaanan iyagu wax mushaar ah helin bilihii lasoo dhaafey, iyaga oo bilaabay in ay isaga soo baxaan aagag ay ka dagaal galayeen, sidaasi oo ay tahay ciidamada AMISOM ayaanan hal bil mushaarkooda weynin.
Mushaarka askariga AMISOM waxa uu ka badanyahay kun doolar, halka askariga Soomaaliyeed ay u qorantahay boqol doolar oo kaliya oo aanan haddana la helin muddo 4 bilood ka badan.
Dadka wax odorosa waxa ay sheegayaan in weerarada kuwan oo kale oo badan ay dhaci doonaan mustaqbalka haddii aanan wax laga badalin sida ay hadda wax u socdaan.
Xalka ugu weyn waxaa loo arkaa in la tayeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, mushaarkooda la siiyo, iyo dhamaan daryeelka kale ee ay u baahanyihiin, sidoo kalana AMISOM ay qabsado hawsha rasmiga ah ee ay dalka u joogto halkii xeryo ay isaga jiri lahayd.
Goobjoog News