U bood dhigaalka

Maxeey Kawada Hadleen Madaxda Warbaahinta iyo Rooble?

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda waarbihinada madaxa banaan ee dalka.

Kulanka oo inta badan mas’uuliyiinta warbaahinada ay goobjoog ahaayeen ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa geddi socodka arrimaha doorashooyinka iyo gurmadka abaaraha.

Rooble ayaa marka hore bogaadiyay kaalinta warbaahinta ay ka qaadatay gurmadka abaaraha dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adaha Warbaahinta ayaa ammaanay kaalintoda wacyigelinta bulshada, isagoo ka codsaday inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Rooble.

R’iisul wasaaraha ayaa sidoo madaxda warbaahinta warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka sida lagu yiri qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka u yahay, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato si nabad ah sida ugu dhaqsiyaha”.