U bood dhigaalka

Maxeey Kawada Hadleen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Muqdisho Ku Kulmay?

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa kulan saacado qaatay kula yeeshay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Rooble iyo Warsame ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka iyo mar xaladihii ugu dambeyay ee uu dalka ku jiray.

Labada dhinac ayaa kulan kooda yimid kadib markii saacado ka hor ra’iisul wasaaraha uu soo saaray wareegto lagu buriyay go’an xalay farmaajo uu ku hakiyay heshiisyada ay xukuumadda galeyso.

Goobjoog News