U bood dhigaalka

Maxey Ka Wadahadleen Biden iyo Erdoğan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyay inuu kulan “wanaagsan oo miro dhal ah” la yeeshay dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, isagoo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in labada dhinac ay gaari doonaan “horumar la taaban karo” oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Biden ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay fiidnimadii Isniinta ka dib markii uu dhamaaday shirkii NATO ee Brussels: “Waxaan kaso baxay wax yar ka hor kulan aan la yeeshay madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Waxaan si waji ka waji ah u la yeelanay kulan wanaagsan oo miro dhal ah” Biden wuxuu intaas ku daray in labada dal ay leeyihiin “ajande weyn” isagoo xusay in diblimaasiyiintoodu ay sii wadi doonaan wadahadalada, waxa uuna xusay ku kalsoonyahay in horumarin dhab ah ay ka sameyn doonqan xiriirka Turkiga iyo Mareykanka.

Wadahadalka ka dib, Erdogan waxa uu sheegay inuu “kulan wax ku ool ah oo daahfuran” uu la yeeshay Biden, iyagoo ku heshiiyay sii waditaanka dadaalada xalka loogu raadinayo dhammaan arrimaha taagan iyo kala duwanaanshaha aragtiyada labada dhinac.

Kulan doceedkii madaxweynayaasha Biden iyo Erdogan ay shalay ku yeesheen shirkii NATO ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu biden xafiiska la wareegay bishii Janaayo 2021, wadahadalladuna waxay socdeen ku dhowaad hal saac.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa loo arkaa xulafo kawada tirsan NATO, lakiin waxa ay isku maandhaafeen dhowr arrimood oo ay ugu weyn tahay, taageerada Mareykanka ee kooxaha Kurdiyiinta ee Suuriya, iibsiga Turkiga ee nidaamka ruushka S-400 , iyo aqoonsiga uu maamulka biden uu aqoonsaday xasuuqii Armenia ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta sanadkii 1915kii.

Goobjoog News