U bood dhigaalka

Maxey Kawada Hadleen Golaha Wadatashiga iyo Midawga Musharixiinta?

Sheeko:Amniga

Golaha midawga musharixiinta ayaa soo bandhigay waxyaabihii maanta kawada hadleen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

Midawga ayaa sheegay in ay u soo jeediyeen madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble in la soxo dhamaan qaladaadki dhacay ee doorashada.

War-saxaafadeed ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa lagu sheegay in golaha ay la wadaageen sida loogu baahan yahay doorasho daah furan oo aan malxiis aheyn.

Midawga ayaa sidoo kale sheegay in doorashooyinka soo socdo loo baahan yahay in ay saxaafadda madaxa banaan, bulshada rayidka, korjoogayaal ka socda midawga musharixiinta xilka madaxweynanimo iyo xubna ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha ay goobjoog u ahaadaan.