U bood dhigaalka

Maxkamad ku taala dalka Murishis oo siideysay 12 dhalinyaro Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taala dalka Murishis (Mauritius), ayaa wax dambi ah ku weysey illaaa 12 dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyey in ay ku lug lahaayeen dambiyo burcad badeednimo ah.

Xaakimka ayaa sheegey in aysan jirin, oo aanan laa horgeynin wax cadaymo ah oo ku filan in raggani lagu xukumo, wuxuuna xukumay in la siidaayo.

Dadka dambiga lagu waayay ayay da’doodu u dhaxaysaa 20 jir illaa 40 jir, waxaana soo qabtay ciidamada NATO eek u sugan xeebaha Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyey in ay isku dayeen in ay afduubtaan markab laga lahaa dalka Panama.

Murishis waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah oo loo heysto burcad badeednimada, waxayna ka mid tahay dalalka ogolaaday in nidaamkooda garsoorka la mariyo dadka loo qabto hawlahani, kadibna xabsiyadooda lagu xiro. Waxaa kale oo dalalkaasi ka mid ah dalka Kenya oo boqolaal dhalinyaro ay ku xirxiranyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in maxaabiista lagu hayo dalka Kenya lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya si mudada xabsiga ay ugu dhamaystaan gudaha dalka.

Warbixino dhawaanahan lasoo saarayay waxa ay muujinayeen in weerarada ka dhaca badda ay aad hoos ugu dhaceen, sidaasi oo ay tahay wali maraakiibtii shisheeye waa kuwa ku sugan xeebaha Soomaaliya, maalin kastana maraakiib dalal kala duwan ka socda ayaa xeebaha soo gaaraya.

Goobjoog News