U bood dhigaalka

Maxkamad ku Taalla Dalka Ingiriiska oo Xukun Xabsi ah ku Ridday Muwaadin Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Ibraahim Cabdullahi, oo 29-jir ah , ayaa maxkamad ku taalla Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska waxaa ay ku riday xukun xabsi waqti dheer ah .

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah , kadib markii lagu helay in uu dhaawac uu u adeegsaday tooreey uu ku dhuftay Lanush Alija oo ay ku dagaalameen waddada lagu magacaabo Hutton, oo ku taallo magaaladda Sunderland bishii November ee sanadkii 2019-kii.

Lanush Alija ayaa la sheegay in uu Dhaawac culus ka soo gaaray cuna mareenka, taas oo ugu danbeyn keentay in la dhigo isbitaalka weyn ee  magaaladda Sunderland .

Qareenka difaacaya Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ay aqoon dheer isku leeyihiin isla markaana fal-dambiyeedka uu uga dhacay si aan ula kac aheyn.

Garsooraha Maxkamadda Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Ibraahim uu falkaasi ku geystay mindi, hadii aan la qaban laheyna uu geysan karay falal intaasi kasii daran.

Goobjoog News