U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taalla Maraykanka Oo Dambi Ku Heshay Haween Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa waxaa mar kale kasoo muuqday haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey iney xiriir dhow la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa dambi ku heshay haweenka kala ah Muno Cismaan Jaamac oo 36 sano jir ah iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo 46 sano jirta.

Dambiga lagu helay haweenkan ayaa ah sida la sheegay iney taageero siiyeen Xarakada Al-shabaab, ayna lacag badan  usoo direen Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in haweenkan ay abaabul ku sameeyeen haween kale oo ku sugan meello badan oo dalalka caalamka ah, kuwaasi oo dhaqaale lagu taageeray Al-shabaab kasoo uruuriyey.

Xukunka kama dambeysta ah ee Haweenkan ayeey maxkamaddu sheegtey  inuu dhici doono bisha January ee sanadka 2017-ka.

Dalka Maraykanka waxaa horey sidan oo kale loogu maxkamadeeyey muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhammaantood lagu eedeeyey iney taageero siiyeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News