U bood dhigaalka

Maxkamad Puntland Ah oo Xukunno Kala Duwan Ku Riday Rag Lala Xiriiriyey Alshabaab

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa xukunno ka duwan ku rudiday rag la xiriiriyey in ay ka tirsanaayeen Al-shabab, fadhiga maxkamadda ayaana ka dhacay Garowe, eedeynayaasha la horkeenay maxkamadda ayaana ahaa 6 ruux oo rag ah.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, waxaana labo qof maxkamaddu ku xunkuntay xabsi daa’in.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxmed Ibraahim oo la sheegay inuu yahay 16 sano jir uuna la socday raga la xukumay ayaa waxaa ay maxkamaddu ku wareejisay wasaaradda cadaaladda iyo dhaqan celinta, maadaama uusan gaarin da’dii uu ku mudan lahaa xeerka ciqaabta maxkamadda.

Dhanka kale maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa eedeysanayaasha kala ah Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Cali, waxaa ay ku riday min 20 sano oo xarig ciidan ah, waxaana lagu eedeeyey in ay ka soo qeyb qaateen dagaallada buuraleyda gobolka Bari.

Xeer ilaalinta ayaa raggaan ku soo eedeysay in tababarro ay ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in safarro dheer ay u soo galeen si ay u soo gaaraan buuraleyda gobolka Bari ee Galgala, kaas in badan ay ka dheceen dagaallo u dhaxeeyo ciidamada PSF Puntland iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.

Goobjoog News