U bood dhigaalka

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil toogsho ah ku fulisay laba ruux oo la sheegay inay dileyn Wariye Tima Cadde

Sheeko:Dalka

dil

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka aroortii waxay dil toogasho ah ku fulisay Laba wiil dhalinyaro ah kuwaa oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde iyo sidoo kale Cawil Xasan oo ka mid ah ahaa ciidamada Nabad Sugidda dowladda.

Labada ruux ee saaka la toogtay ayaa lagu kala magacaabayey Cali Bashiir Cusmaan oo 22-sani jir ah iyo Cabadullaahi Shariif Cusmaan oo 25-sano jir ah, waxaana horay looga soo kala qabtay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey.

Maxkamada ayaa sheegta in dambigooda ay qirteyn, islamarkaana loo helay marqaati iyo cadeyn, xukun dil ahna lagu xukumay, iyadoo saaka dilkaasi lagu fuliyay.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaan ahayn dilkii ugu horeeyay ee ay ku fuliso shaqsiyaad dilay Wariyaal Soomaaliyeed, waxaa horay loo toogtay shaqsigii la sheegay inuu dilay Allaha u Naxariistee Wariye Absuge.

Goobjoog News