U bood dhigaalka

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askar ka tirsan dowladda

Sheeko:Dalka

Maxkamada dajarada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay askar ka tirsan ciidanka dowladda kuwaas oo horay loogu eedeeyay in ay geysteen falal isugu jira dil iyo kufsi.

Maxkamada ayaa dhageysatay eedeymaha loo heysto labo askari oo ka tirsanaa nabad sugidda iyo milateriga laguna eedeeyay in ay dil iyo kufsi u geysteen labo marxuum oo la oran jiray Cabdifataax Jaamac iyo Ifraax Axmed oo ahayd gabar sagaal sano jir ah.

Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdullaahi Muuse Kayse ayaa sheegay in markii ay dhageysatay maxkaddu caddeynmihii iyo marag furkii uu soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta in labadasi qof lagu riday xukun dil ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanayasha ay racfaan qaadan karaan.