U bood dhigaalka

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida oo maanta xukuno riday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuno waxay ku riday dad loo haystay dambiyo kala duwan, waxaana qaarkood ay ahaayeen dad lala xiriirinaayo Al-shabaab.

Waxa ay maxkmada maanta u fariisatay in ay dhageysato dacwadda loo haysto ilaa 7 ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, uwaa xeer ilaainta Maxkamada kusoo edeysay ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab.

Xukunada maxkamada ay riday ayaa isugu jiray, xabsi daa’in, sanado iyo sii deysmo, ka dib markii ay kala cadaadeeyn waxyaabihii dadkaasi lagu haystay waa sida maxkamadu sheegtay.

Gaashaanle Maxamamuud Xuseen Maxamed oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamada, ayaa mar uu ku dhawaaqayay xukunka waxa oo si cad u kala dhig dhigay sida dacwada u dhacday iyo maxkamada xukunka ay riday.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News