U bood dhigaalka

Maxkamada Gobolka Banaadir oo u Fadhiisatay Dhageysiga 2-aad Dacwad Heysto Shaqaalle Wasaaradda Caafimaadka Ah

Sheeko:Caafimaadka

Waa fadhigii 3aad ee dhageysiga 2aad ee dacwad musuq maasuq ah oo loo heysto 9 eedeysane oo ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Doorka fadhigaan oo ay lahaayeen xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu guddoomiyaha dacwadaan garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed ka codsaday xafiiska xeer ilaalinta inay soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan dadka ay ku soo eedeeyeen Falalkaan musuq maasuqa ah.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo isugu jira qoraalo wata sawiro muujinaya Dacwadaha ay ku soo oogeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyada oo sido kale ay soo bandhigeen buugaagta qaansheegadka iyo warqado lacag bixinta oo ay saaran yihiin saxiixa Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sida xeer ilaalinta sheegtay.

Farxaan Xuseen Maxamed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaasha Cumputerada ay leeyihiin iyo xafiisyadooda laga soo helay warqado qaansheegad ah oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo ku yaala gudaha magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka isla markaana lacago badan looga qaatay Akoonada wasaaradda Caafimaadka.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sido kale soo bandhigay Cumputero isugu jira laptops oo ay lahaayeen qaar ka mid ah eedeysanayaasha, cumputer desktop ah, Hal printer iyo sido kale Stemps kala duwan oo wata Magac yo shirkado,hotelo iyo xarumo ganacsi kuwaa oo sida xeer ilaalinta sheegtay lagu lunsanayay lacago badan.

Toddobo ka mid ah dadka la soo eedeeyay aya maanta la dhageystay dacwadooda waxaana Guddoomiyaha dacwada Garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed uu sheegay in labadda ruux ee dhiman la dhageysan doono maalmaha soo socdo cadeymahooda.

Goobjoog News