U bood dhigaalka

Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir “Muwaadinka 48 Saacad Ka Badan Xabsi Laguma Hayn Karo“ (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GobalkaMaxkamada Racfaanka ee gobalka Banaadir ayaa si adag uga hadashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiro wax ka badan 48-saac iyadoo aan loo haysan fasax ama wax la mid ah.

Gudoomiyaha Maxakamadaasi Xasan Maxamed Maalin oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in marnaba aanay macquul ahayn in qofka muwaadinka xuquuqdiisa la duudsiiyo, islamarkaana meel aan la’isaga xanibin isaga oo loo sheegin waxa lagu haysto.

“Dastuurka sida uu leeyahay waa in qofka loo sheegaa waxa loo haysto, in meel la’iska fadhiisiiyo ma ahan, qofka muwaadinka ah waa in loo ogolaadaa in uu qabsan karo qof sharci yaqaan ah uu isaga ku kalsoonyahay, hadii aanu heli karin dowladda ayaa laga rabaa in ay u magacawdo hadii uu kiiska culus yahay, in la ilaaliyo saacadaha iyo waqtiga lagu hayn karo meelaha wax lagu baarayo, maxaa yeelay sharciga waxa uu leeyahay 48 saacadood ka badan qofna laguma hayn karo saldhig, waxaad arkaysaa kuwo todobaadyo iska haysta, waxaa waajib ah garsooraha markii loo geeyo in uu iska sii daayo maxaa yeelay waqtigiisa lama ilaalin” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Maxamed Maalin

Dhanka kale waxa uu sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay in uu is difaaco, islamarkaasina aan xoog looga saxiixi karin warqad ama wax la mid ah.

“Qofka muwaadinka xaq ayuu u leeyahay in uu is difaaco, sharci ma ahan in qasab warqad saxiixeeda xoog loogu qasbo, waxaa mamnuuc ah in loo geysto jirdil ama maskaxiyan, waa in aan la handadin, waana in si maskaxiyan uu warqadda u akhriyo uuna fahmo waxa ku qoran, hadii uusan akhriska aqoon waxaa u akhrinaya qof uu ku kalsoonyahay ama Abuukaatihiisa, maxkamadana ma ogola qofka hadii uu dhaho Saxiixa anaa leh, laakiinse xoog ayaa la’iigu qasbay” ayuu hadlkiisa sii raaciyay Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka gobalka Banaadir.

Ugu dambeyn Gudoomiye Xasan Maxamed Maalin ayaa shacabka Soomaaliyeed ku dhiira geliyadhankooda in Hay’adaha Cadalada ay  gacan  ku siiyaan baaritaanada ay wadaan si looga hortago cid walba oo bulshada dhib ku haysa.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News