U bood dhigaalka

Maxkamada Racfaanka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Xalisay Colaad Ka Jirtay Xawaadley (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxkamada Racfaanka ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay xalinta colaad ka jirtay deegaanka Xawaadley, taasi oo salka ku haysay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo halkaasi ka dhacay.

Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha Maxkamadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in iyaga oo kaashanaya Odayaasha dhaqanka ay ku baxeen arintaasi, isalamarkaana dadaal ka dib la xaliyay colaadii jirtay.

“Waxaan bilawnay dadaal xoogan anaga oo kaashaneyna maamulka gobalka iyo Odayaasha dhaqanka, waxaan aadnay Balcad si aynu u xalino xiisadda ka jirtay Xawaadleey, waxaana halkaasi la’isugu keenay Odayaashii dhinacyada dagaalamay, waxaana Labada dhinac usoo bandhignay Nabadda in ay qaataan, sidaasi ayeey inooga aqbaleen” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ka mid ahaa xubnihiin ku baxay xiisadaan ka jirtay Xawaadley.

Deegaanka Xawaadley ee gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beelo halkaasi wada dega, waxaana jirtay dad ay iska kala dileen Labadaasi dhinac, inkastoo ugu dambeyn lagu baxay.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News