U bood dhigaalka

Maxkamadaha Dalka Oo Loo Soo kordhiyey Nidaam Cusub Oo Ay Ku Shaqeynayaan

Sheeko:Dalka

Daahfurka hanaanka galdacwadeedka Electarooniga ah ayaa lagu wadaa in uu beri oo Arbaco ah uu dhaqan galo, habkan ayaa ah mid casri ah oo lagu keydinayo galalka dacwada si Electarooni ah.

Habkan cusub oo lagu keydinayo ee Electarooniga ah ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadda sare, Maxkamadda Racfaanka iyo midda gobolka Banaadir.

Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay in habkaan uu sahlayo in Galdacwadeedka uusan lumin laguna keydin doono xogta dacwad qabaha iyo kan laga soo dacwooday.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu meesha ka saarayo in qof dacwadiisa la waayo mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.

“Barnaamijka hanaanka Electarooniga waxaa uu sahlayaa in Macluumaadka loo keydiyo si casri ah, hanaanka waxaa uu uga duwanyahay kuwii hore ma dhaceyso in la waayo galdacwadeed ama uu si sahlan ay kulunto xog”.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahay habkaan cusub.

“Barnaamijkan waxaa uu ka qeybqaadanayaa in hay’adaha garsoorka ay ku shaqeeyaan si cadaalad ah, Shuruucda muhiimka u ah garsoorka ayuu fududeynaa iyo in ay lumaan xogog dad kale ay la haayeen”.

Nidaamka Galdacwadeedka ee loo badalayo qaab Electarooni ah ayaa qeyb ka qaadanaya inay lumin dacwadaha ay kala qabaan dadka.

Goobjoog News