U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Bilowday Dhegeysi Dacwad Askari Horay Dil u Geystay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameyn ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.

Goobjoog News