U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Ku Xukuntay Askari Horay Dil U Geeystay

Sheeko:Amniga
Cumar Muxudiin Maxamuud oo ah Seddax xarigle ka tirsan xoogga dalka, ayay Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida, ku xukuntay Dil toogasho ooah qisaasta marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan.
Marxuumka geeriyooday ayuu dilkiisa ka dhacay agagaarka wasaaraddii hore ee caafimaadka ee Dagmada Boondheere Gobolka Banaadir, 20-kii September 2020.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxakamadda hor keenay Saddex marqaati oo marag ka ahaa markuu falka dilka ah dhacay, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarista Boliiska saldhiga Degmada Boondheere.
Xukunaka kadib, Maxakamadda ayaa xukunsanaha u ogolaatay, fursad uu ku furan karo Rafcaan muddo 30 cisho ah.