U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Kuxunno Kale Duwan Ridday

Sheeko:Amniga

Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ayaa xukunno kale duwan ku ridday afar xuux oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas xafiiska xeer ilaalintu kusoo eedeysay in ay horay u geysteen dilal kale duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Afartaan askari ayaa xeer ilaalintu sheegtay in dilal qorsheysan siyaabo kale duwan ay ugu geysteen dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaa sidoo kale loo jeediyay in ay sameeyeen qalqal galin amni, waxaana lagu kala riday xukkunno dil toogayo iyo xabsi ciidan ah.

Dable ka tirsanaa NISA  oo lagu magacaabo Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xoogga Dalka Salmaan Ibraahin Shire ayaa lagu xukumey dil toogasho ah , halka  Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Seddax sano oo xarig ah,iyadoo Sharmaake Muxumed Cali isna  lagu xukumay hal-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad, Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, waxaana sidoo kale eedeysanayaasha la siiyay fursad ay dalban karaan Racfaan muddo bil ah kadib markii maxkamaddu xukuntay.

Goobjoog News