U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Ridday Xukunno Kale Duwan

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidan qalabka sida ayaa maanta xukunno kale duwan ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab, kuwas oo xeer ilaalintu kusoo eedeysay geysashada dil iyo kamid ahaanshiyaha xoogaga Alshabaab,kadib markii maxkaddu ay soo dhagaystay dacwadaha loo heystay, maxkamadda ayaa xukun dil ah ku riday  mid ka mid ah, halkainta kale lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil iyo   Cabdi Xasan Rooble ayaa lagu helay inuu ka dambeeyay dil loo geystay marxuum Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo la dilay 20-kii bisha February 2022-ka.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu tuuray saldhigyada degmooyinka Warta Nabadda iyo Howl wadaag, waxaana xeer ilaalintu sheegtay in ay ka dameeyeen Bam Gacmeedyadaas lagu weeraray labada degmo, ciidanka Booliiska ayaa mar qura gacanta ku dhigay raggaan 22 bishii February 2022, iyadoo maanta lagu xumumay xukunno kale duwan.

Goobjoog News