U bood dhigaalka

Maxkamadda ciidamada oo Toogatay rag Daacish ka tirsanaa

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.

Ragga la dilay ayaa ku eedeysanaa dilal ay ka gaysteen magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Kooxda maanta dilka lagu fuliyay ayaa gaaraysay laba xubnood oo Daacish kamid ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horay xukunno dil ah ugu ridday raggaan, maanta oo Arbaco ah ayaana lagu fuliyay dilkii lagu xukumay.

Goobjoog News