U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku ridday nin ka dambeyay weerar lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday eedeysane Maxamed Cabdulle Nuur Aboow oo loo yaqaano Biyamaaloow.

Eedeysanaha oo loo haysto in uu ka dambeeyay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho 23-kii March ee sanadkaan ayaa dhawaan kasoo hor muuqday maxkamadda.

Weerarka loo haysto ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ahaa ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran HARAMACAD.

Maxkamadda ayaa dood dheer oo ay ka yeelatay gar maqalka dacwadda eedeysanaha waxaana maanta oo Arbaca ah lagu dhawaaqay xukunka Eedeysane Biyamaaloow.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Waxaana lagu xukumay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow dil toogasho ah oo ah qisaasta allaah u naxariiste Cabdirisaaq Aabi Cali.

Goobjoog News