U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday askar dil gaysatay

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi ah ku xukuntay eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyeen dilka dad beeraleey ah.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi, oo kamid ah ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa maxkamadda kaga soo hor muuqday iyaga oo ku eedeysan dil dad shacab ah 11-kii bishii June ee sanadkan loogu gaystay deegaanka Bariire.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Fadhi dheer oo ay maxkamadda ka yeelatay dhageysiga garmaqalka labada eedeysane oo uu wehlinayo eedeysane saddexaad oo lagu eedeyay in uu la socday labada eedeysane ayaay maanta ka soo saartay go’aan.

Maxkamadda ayaa labada eedeysane ee kala ah Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi, waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, halka  Maxamed Isxaaq Guuleed oo ah eedeysanaha saddexaad ay ku xukuntay saddax sano oo xabsi ah..

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa soo saaray gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah guddoomiyaha maxakamdda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Goobjoog News