U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Ridday Askari ka Tirsan Dowladda

Sheeko:Amniga
Maxkamadda darajaa koowaad ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral oo lagu soo eedeeyay inuu la shaqeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab, xilli uu ka tirsanaa xoogga dalka sida ay sheegtay Xeer ilaalintu fadhiga maxkamadda ee la hor keenay eedeysanaha.
Waxyaabaha loo heysto ayaa waxaa kamid ah inuu sheegtay darajooyin uusan ka gaarin ciidanka xoogga dalka, waxaana intaas kadib ku socday baaritaanno kale duwan sida laga sheegay maxkamadda, xogtiisa saxda ayaa la helay kadib markii dowladdii hore ku dhawaaqday diiwaan gelinta ciidanka xoogga dalka.
Kadib markii ay  hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen ayuu  Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab ayuu ka baxsaday isaga oo ku biiray si toos ah u galaya Al-shabaab.
Maxkamadeyntiisa ayaa waxaa ay socotay Tan iyo 22 kii January Sanadkan Cabdi Casiis Xuseen Nuu oo da’diisu tahay  63 sano jir  jirkan waxaana maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida looga dhawaaqay gabagabadii fadhiga maxkamadda.
Goobjoog News