U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Ridday Haweeney Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku ridday Haweeney lagu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab, Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay “Faadumo” ayaa gacanta lagu dhigay bishii february 2022, ciidanka ayaa kasoo xiray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Haweenayda ay Al-shabaab kaga biirtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, 28 sano jir ayaa lagu sheegay da’deeda ku dhalatay deegaanka Camaara ee gobolka Muqdug, xilliga la qabtay ayey ku guda jirtay warbixin ka dirista xaaladda guriga Askari lagu dilay Kaaraan.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay in gabadhaan uu Al-shabaab ku tashkiiliyay nin saaxiib la ahaa ninkeedii hore oo lagu sheegay magaciisa Cabdullaahi Xasan Yusuf, waxa ay kala tageen 2018-kii, waxaa lagu eedeeyay in shaqadeedu ay aheyd keydinta Hubka ay isticmaalaan Al-shabaab sida la sheegay.

Kadib cadeymihii la horkeenay maxkamadda ee xeer ilaalintu soo gudbisay ee ku aadan kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo la shaqeyntooda, waxaa maxkamduudu ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay “Faadumo”  oo 28 jir ku  dhalatay Mudug 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Goobjoog News