U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Ridday Xubin Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile  oo gobolka Banaadir, iyadoo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada ee lagu sameeyo siyaabaha casriga ah ee Technology-da.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen Cabdirisaaq waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, Okiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telefoono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay ,Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriya, waxa uuna ka bartay cilmiga Computer Science.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Goobjoog News