U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Ridday Xubin Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan u tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa dagaalamayaasha  Al-Shabaab, ayaa maxkamadda ciidamada  maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.
Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka Al-shabaab a, Ayuub ayaa dib ugu laabtay Al-shabaab markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta oo la fasaxay kadib.
Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.
Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.
Goobjoog News