U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ridday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa xukun waxaa ay ku ridday sedex dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo in ay qorshaynayeen in weerarro ka geystaan gobollada Waqooyi iyo dowlad deegaanka Soomaalida, sida xeer ilaalintu ka hor jeedisay fadhigii maxkamadda.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabdi-Samad Cabdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab.Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhashay  Burco ee gobolka Togdheer, halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa ee Waqooyi Galbeed.

Seddaxda dhallinyarada ah ayaa Loo daaray Muuqaal laga sameeyay Dhulka cagaaran Ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyaro u qaabilsanaa gobollada Waqooyi ee  Somaliland  ayaa u sheegay dhalinyarada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, Safar Socdaal ah kusoo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garow.

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL oo ah qoryaha kuwa fudud.

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed Ethiopia.Dhammaan dhallinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista hey,adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA oo baaraysay kiiska.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida  in loo Maxkamadeeyo Seddaxda eedeysane kamid noqoshada Al-shabaab, iyadoo ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gashaanle  Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Goobjoog News