U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ridday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada 1aad ee ciidanka ayaa maanta waxaay ay xabsi daa’in ku xukuntay Xasan Cabdullaahi Aadan oo loo horay loogu qabtay isaga oo diyaarinaya qarax lala damacsanaa hoyga murtida iyo madadaalada.

June Todobadeedii ee sanadkan sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay sidii uu isugu Qarxin lahaa xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa ayna dhalisay baaris kadib in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda Qaraxa, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uuna Al-Shabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool sanadkii 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu qanciyay in uu naftiisa gooyo, isaga oo sii salfanaya bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakadda iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorsada wada jira ee Argagixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’adda Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad ee Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada cadeeyeen In eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen gaari dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  ujeedkiisa ahaa in uu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin ciidamo dharcad ah, laakiin tilmaamta cadeymaha ayaa muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha loo naxariisto Maadaama ay Al-Shabaab kaga faa’ideysteen aqoon la’aan iyo duurka uu duruuf kula noolaa.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu rafcaan ku dalban karo muddo 30 cisha ah xukunka kadib.