U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Askar Horey Dil u Geysatay

Sheeko:Amniga
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka, iyagoo dilalka geystay intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa sanadkii 2021.
Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa magacyadooda lagu kalasheegay gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo  lagu soo eedeeyay in 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, dilkaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo, maxkamadda ayaa dil toogasho horay ugu xukuntay.
 Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale  waxaa uu ku eedeysnaa dil uu u geystay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021, waxaana markii xeer ilaalintu ay horkeentay lagu xukumay dil toogasho ah, taas oo qisaasta marxuum Dable xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli .
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.
Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday oo lagu fuliyay.
Maxkamadda ciidamada ayaa labo maalin ka hor i sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana ay ku soo aadaysaa xilli Maxkamddu ay waday fulinta kukunno kale duwan.
Goobjoog News