U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Xabsi Ah Ku Ridday Ajaanib Ka Tirsaneyd Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal Ajaanib ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Raggaan oo muddo dheer ka barbar dagaalamayay Al-shabaab Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah.

Eedeysanayaasha oo muddo dheer a socotay dhageysiga gal dacwadeedkooda ayaa waxaa la sheegay in ay Shabaab ku biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010.

Inta ay socotay dhageysiga gal dacwadeedka ayaa lag soo bandhigay in eedeysanaha koowaad ee Dereyn in uu ka qeyb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in labada Eedeysane lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Goobjoog News