U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukunno Kale Duwan Ku Ridday Askar Geysatay Dil Wadareed

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta markale u fariisatay dacwadda  13 Askari oo katirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo geystay dilal kale duwan xilli ay ku qornaayeen Ilaalada Isgoyska Siinaay. Dhacdadaan oo  dhacday 27-kii Febaraayo 2023 ayaa noqotay arrin tan iyo xilligaas la sugayay in go’aan ay ka gaarto Maxkamadda Ciidamada qalabka, waxaana sidoo kale goobta laga sheegay magacyada dadkii geeriyooday.

1:Ilhaan Cabdijamaal Makki oo ah Hooyo Uur  2: bil ah lahayd ahna Ardayad Jaamacadeed. 3:Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Wade Gaari. 4:Ilyaas Axmed Nuur,  5:Ayuub Daa’uud Xuseen, 6:-Cabdiqadar Maxamed Xuseen oo ahaa Bajaajle-yaale7:Isxaaq Xuseen Maxamuud.

Dadkaan ayaa dhammaantood ku geeriyooday rasaasta ka dhacday Qori Shilka ah oo uu riday Cabdulqaadir Xasan Cabdulle oo ku magac dheer (Sheelari) . Qorigaas rasaasta ka dhacday ayaa sidoo kale geysatay dhaawaca illaa 4-ruux halka khasaara maaliyadeed uu geystay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta dadka uu nafta dhaafiyay sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun dil ah ku riday Axmed Mire Cismaan Fiidow (Dhega-weyne), Maxamuud Cabdi Maxamed-nuur (Abooto-koris) & Cabdullaahi Cismaan Isxaaq (Boorow) waxa ay ku eedeysan yihiin in ay dileen Cabdullaahi Maxamuud Hoobley & Daahir Xuseen Axmed oo ahaa Illaalada Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo laftiisa uu dhaawac soo gaaray.

Maxkamadda  Ciidamada ayaa Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame & Sayid Cali Cabdullaahi Shiine ayaa lagu xukumay  5-sano oo Xabsi ciidan ah maadaama ay ku kala eedeysnaayeen in midkood uu billaabay xabadda halka kan kale uu isku dayay in uu marin habaabiyo Xeer Ilaalinta sida lagu sheegay go’aanka xukunkooda loo cuksaday xukunkiisa.

Maxakamdda Ciidamada Qalabka sida ayaa xoriyaddiisa dib ugu celisay oo sii deysay Axmed Maxamed Axmed (Macallinka) oo wax dambi ah lagu waayay kaddib markii baaris lagu sameeyay sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Goobjoog News