U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo 5 Ruux Ku Riddey Xukun Dil Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa waxay maanta xukun dil ah ku riidey Shan ruux oo la sheegay iney abaabulayeen qaraxyo ka dhaca deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Raggan xukunka lagu ridey ayeey maxkamaddu sheegtay in lagu qabtay magaalada Boosaaso iyaga oo wata gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana dambiyadooda ay qirteen.

Shanta ruux ee la xukumay ayaa 4 kamid ah waxay kasoo jeedaan deegaanna K/galbeed, gaar ahaan gobolka Baay.
Magacyada Ragga la xukumay:

Cabaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah

Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah

Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah

Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah

Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah

Maamulka Puntland ayaa sidan oo kale horey dil ugu xukumay rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, qaarkoodna waa la toogtay.

Goobjoog News