U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo Dil-wadareed Ku Filisay Rag Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa waaberigii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Gen. Maxamuud Cabdi Maxamed guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sheegay in raggaan oo gaaraya illaa iyo 18 xubnood oo horay uga tirsanaa ururka Alshabaab ay dilal ka geysteen deeganada Puntland Maantana lagu fuliyay dil toogasho ah .

Raggaan xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Gaalkacayo dhinaca Puntland .

dhanka kale magaalooyinka Qardho iyo Garowe ayaa la sheegay in lagu toogtay seddax xubnood oo kale kuwaas oo horay maxkamadda u xukuntay .

Xubnaha la toogtay saaka ayaa wadar ahaan waxa ay gaarayaan 21 xubnood kuwaas oo shabaab ka tirsanaa, iyadoo maxkamadda ku fulisay qisaasta dadkii ay dileen.

Goobjoog News