U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u Fariisatay Dhagaysiga Dacwado Loo Heysto askar Dambiyo Geysatay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamadaMaxkamad ciidan oo qaabilsan shan gobol oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwado loo heysto ciidamado ka tirsan maamulka.

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso , oo uu guddoomiye ka yahay Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa xukun shan sano ah ku ridey askari dambi ka geystey degmada Carmo, halka ay dib u dhigtey go’aan ka gaarista labo askari oo iyagu dil geystey, kana tirsan ciidamada badda ee Puntland.

Goobjoog News