U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Xukun Ridday Askari Dil Geystay

Sheeko:Amniga

Maxakamadda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dheygisiga dacwadda  dad lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabab iyo askari hore u dilay  askar kale oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Dable Cabdisamad Ibraahim Xaaji Dhuux ayaa ayaa kadib cadeymo dhowr ah oo la horkeenay maxkamadda waxa ay maxkamaddu ku xukuntay dil ah, taas oo ah qisaasta Marxuum Xasan Cabdi Cali Madaxeey oo uu horey u dilay.

Sidoo kale maxkamadda ayaa waxaa ay dib u dhigtay dacwadda rag loo heysto kamid ahaanshaha Al-shabab iyo Daacish, waxaana ay xeer ilaalinta ka dalbatay in ay horkeenaan cadeymo rasmi ah si ay go’aan uga gaarto.

Goobjoog News