U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo Xukunno Riday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun isku mid ah waxa ay ku riday askar ka tirsan Puntland, ka dib muddo ay ku xirnaayeen askartaasi xabsiga magaalada Boosaaso.

Korneel Cabdifitaax Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Puntland ee gobalada Bari, Karkaar, Haylan iyo Sanaag oo ka mid ah gobalada Puntland ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso, waxaana uu sheegay in la xukumay 17-askari.

Askartaasi oo dib loo siiyay xurriyadooda ayuu sheegay in ay ku eedeysnaayeen anshax xumo, sidaa darteedna lasii daayay.

Waxa uu Gudoomiyaha sheegay sidoo kale in madaxda maamulka Puntland laga doonayo Qareenno in ay u qabtaan 5 ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al-shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in aanay qareenno qabsan karin.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ka dalbaday hay’adaha baarista in maxaabiista xiran ay helaan xuquuqdooda, islamarkaana aan  la dhaafin maxkamadeyntooda 24-saac.

Kornel Cabdifitaax ayaa ugu dambeyn ku baaqay in lala socdo caafimaadka maxaabiista, islamarkaana lasoo baaro kahor inta dadkaasi la xirin.

Goobjoog News