U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Fulisay Askari Ka Tirsanaa Booliiska K/galbeed

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dil ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya kaasi oo dilay qof shacab ah, Labo kalena dhaawacay.

Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabayey Dable Cali Buurow Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka booliiska gaarka ah ee maamulka K/galbeed, wuxuuna ku eedeysnaa in 10/10/2016 uu dilay qof shacab ah, dhaawacayna Labo ruux oo marxuumka la dilay adeer u ahaa, falkaas oo ka dhacay degmada Xudur.

Halka dilka lagu fulinayey waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow iyo guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute.

Shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay dil toogasho ah ku fulisay Afar ruux oo ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana qaraxyo ay ka fuliyeen Baydhabo.

Goobjoog News