U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Xasan Xanafi Xaaji

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa saaka oo Isniin ah waxay dil toogasho ah ku filsay Xasan Xanafi Xaaji oo lagu eedeyay inuu ka dambeeyay dilka wariyeyaal lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa lagu toogtay Barxadda Iskuul Polizio, waxaana goobta dila uu ka dhacayey ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Waxaa Xanafi loo haystay inuu ku lug lahaa dilka Shan wariye oo ka mid ahaayeen wariyeyaasha kala ahaa Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Saciid Tahliil, Sheekh Nuur Maxamed Abkey.

3-dii Maarso ayaa maxkamadda darajada 1-aad ciidamada qalabka sida waxay xukun dil ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji.

Hase ahaatee racfaan ayuu qaatay, waxaana xukunkaasi dilka ah sii xoojisay maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida 26-ka bishii hore.

Sabtidii aynu kasoo gudubnay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Labo qof oo loo haystay dilkii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed.

Goobjoog News