U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Raggii Loo Haystay Dilka Wariye Hindiyo Xaaji

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Sabti ah waxay xukun dil ah ku filisay Laba nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaas oo horay dil toogasho ah loogu xukumay.

Raggan la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax, kuwaas oo horay maxkamadda ugu hor qirtay dacwaddii loo haystay ee ahayd dilka wariye Hindiyo.

25-kii Bishii tagtay ee February Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida Labadan nin waxay ku kala xukuntay dil toogasho ah iyo sidoo kale Xabsi daa’in.

20-kii March Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sidda ayaa burburisay xukunkii hore waxaana Labaduba lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo maanta oo April 9, 2016 xukunkaasi lagu fuliyey.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horay u fulisay xukunno sidaan oo kale ah, waxaana dhawaan ay xukun dil toogasho ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji oo loo haysto inuu ka dambeeyay dilka Wariyeyaal dhowr ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News