U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Dil Ah Fulisay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku fulisay Cabdullaahi Aadan Isaaq oo ka mid ahaa ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, kaasi oo horay dil toogasho ah loogu xukumay.

Maxkamadda ayaa horay u sheegtay in uu ku cadaaday askarigaasi dambigii loo haystay ee ahaa dilka Marxuum Muuse Xasan Jaamac, waxaana uu qaatay racfaan, hase ahaatee mar kale ayaa waxaa xukuntay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida iyadoo maanta dilka lagu fuliyay.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa saxaafadda waxa uu u faah faahiyay qaabka ay maxkamadda xukunka u riday iyo sidoo kale dilka maanta la fuliyay.

“Maalintii Taariikhdu ahayd 7-dii bishii 5-aad 2015, waxay maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay, gacan ku dhiigle Ex- Dable NISA Cabdullaahi Aadan Isaaq, 22-sano jir ah ina Suldaano Guuleed, ku dhashay Kismaayo, ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda gobalka Banaadir, kaasi oo xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay inuu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Muuse Xasan Jaamac taariikhdu markii ay ahayd 2-04-2014, waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, oo ah qisaastii Marxuum Muuse Xasan Jaamac, taariikhdu markii ay ahayd 12-kii bishii Shanaad 2014-ka waxaa xukunka maxkamadda racfaan ka qaatay xukunsanaha, maalintii ay taariikhdu ahayd 7-dii bishii 9-aad 2014, waxay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida mar kale u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiiglaha, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah, maanta oo ay taariikhdu tahay 28-05-2015 waxaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa muddiyinkii dambe xukuno dil ah ku fulinaysa eedeysanayaal ku edeysnaa dambiyo dil ah, kuwaasi oo horay loo xukumay.

Goobjoog