U bood dhigaalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo toogatay labo nin oo hore dil u geystay

Sheeko:War
eedeysanaal
Eedeysanayaasha saaka la toogtay

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka toogatay labo nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Nafiso Salaad Cusmaan oo aheyd Gabar ardayad aheyd.

Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu toogtay labadaasi ruux oo ay horay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida dil toogasho ugu xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo ka hadlay goobta dilkaan loogu geystay ayaa ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shataa) oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Nafiso Salaad Cismaan.

Ragan oo maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horay u xukuntay ayaa Racfaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana markale xukuntay maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida oo ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidanka, kaasi oo ahaa xukun dil toogasho ah.

5-Apriil ayeey aheyd markii eedeysanayaashan ay aqalkeeda kala baxeen Nafiso Salaad Cusmaan oo aheyd Gabar Adayad ah, kadibna Rasaas ay la dhaceen, dilka Gabadhaasi ayeey Dowladda Soomaaliya u soo qabatay saddex ruux oo labo ay yihiin kuwa saaka la toogtay, halka ruuxa kalena ay aheyd Haweenay lagu magacaabo Deeqo Diraac oo hada ku xukuman 15-sano Xabsi ciidan ah.

Waa dilkii ugu horeeyay ee Rag Shabaab ah lagu fuliyo tan iyo markii xilka Maxkamada sare ee dalka uu la wareegay C/raxmaan Tuur Yare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Dowladda

Wararka Goobjoog news