U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Askari lagu helay fal kufsi ah

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay  Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo horay loogu xiray kufsi uu u gaystay  Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay  Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

Goobjoog News